Marwada Madaxweynaha Oo Kormeertay Xarun Lagu Dhaqan Celiyo Carruurta Magaalada Muqdisho+Sawirro

Marwada Madaxweynaha Dalka Marwo Sahro Cumar Xasan, ayaa maanta booqatay xarunta dhaqan celinta carruurta darbo jiifka ah ee degmada C/casiis ee gobolka Banaadir, halkaa oo ay Marwada Madaxweynaha horey u hirgelisay, waxaana ay kormeer ku sammeysay goobaha carruurta wax lagu baro iyo halka lagu xanaaneeyo.

Qaar la mid ah carruurta lagu daryeelo xarunta oo la hadlay Warbaahinta Qaranka, ayaa sheegay in Marwada Madaxweynaha Dalka Marwo Sahro Cumar Xasan ay uga mahadcelinayaan sida ay ugu istaagtay in carruurta dib-Jirka ah loo helo xarun lagu dhaqan celiyo.

Marwada Madaxweynaha Sahro Cumar Xasan, oo la hadashay carruurta kadib markii ay xog wareysatay xaaladda ay ku noolyihin ayaa tilmaamay inay ka go’antahay daryeelka carruurta Soomaaliyeed, ayna sii wadayso sidii xaruntaasi loogu adeegi lahaa carruurta Soomaaliyeed.

1  2  3  4  5  6
8  9
13  14