Masaajiddo Ku Yaal Maraykanka Oo Waraaqo Hajabaado Ah loo Diray + Waa Maxay Sawabta ??

Urur ay leeyihiin muslimiinta Maraykanku ayaa sheegay in warqad kooban oo isku mid ah loo diray

saddex masaajid oo ku yaalla gobolka California, warqadaas oo hadalka ku qorani ku tilmaamay Muslimiinta

dad wasakh ahoo maan gaaban, isla markaana ku wargelisay in ay shandadahooda ka xidhxidhaan Maraykanka.
Warqaddan farriinta nacaybka ah ku xardhanayd ayaa sidoo kale waxay ammaantay madaxweynaha

la doortay Donald Trump waxaana ay sheegtay inuu nadiifin doono Maraykanka.
Ururka oo la yidhaa gohala xidhiidhka Muslimiinta Maraykanka, ayaa ku baaqay in boolisku baadho

waxa uu ay ku tilmaameen talaabo cagajuglayn diineed ah.
Intii uu ololaha doorashada ku jiray, Trump wuxu sheegay in uu Muslimiinta ka mamnuuci doono

in ay galaan Maraykanka ilaa inta laga ogaanayo waxa uu ku sheegay sababta tiro badan oo Muslimiinta

ka mid ahi ay u taageeraan colaadda loo qabo dadka Maraykanka ah.