MASIIBADA MIINOOYINKA MINTADIINTA IYO MAAMULXUMADA MILKALAYAASHA MEHRADAHA MUQDISHO.

Bidhaamiye

Waxaa markale aanu marag ka noqonay Masiibo kale oo lala beegtay goob ganacsi, taasoo sababtay dhimasho iyo dhaawac fara badan.

Allaha u naxariisto intii ku nafwayday baanu si naxariis leh u leenahay Samir iyo iimaana Allaha ka siiyo qoysaskii iyo asxaabtii ay ka baxeen marxuumiintaas. AAMIIN.

Sidoo kalle waxaan Alle uga baryaynaa in uu bogsiiyo dhaawacyada dhibka maanta ka dhacay Hotel SYL.
Bidhaamiye ahaan waxaan qabaa ,, Haddii qof lagu dilay, ama la dhaawacay ama ku xanuunsaday goob shaqadooda ah ama ay ahaayeen macaamil soo booqday goobta ama xubin ka mid ah dadweynaha ay dhib uu ku soo kaaro goob ganacsi ee gaar loo leeyahay sababtaana ay tahay ama oo ah dayacaad maamulka iyo milkilaha mehradaha qaaska loo leeyahay ay layaceen Dadka.
Waxaa haboon in maxkamadda lala tiirsado sharciyadiina hada la dajiyo.
Waxaa haboon in la iswaydiiyo arrimo badan. Fadlan aqri tusaalooyinkaan kookooban.

Yaa ka mas’uul ah Ammaanka iyo Caafimaadka Dadka iyo maamulka deegaankaaga?

• Bidhamiye ayaan waxaan qabaa
Qof walba ayaa ka masuul ah.

• Milkilayaasha Mehradaha Qaaska loo leeyahay iyo Shaqo bixiyaha waxaa saaran mas’uuliyadda guud ee Ammaanka iyo Caafimaadka Dadka.

• Dowlada, Madaxda Gobolka Banaadir, Taliyaasha Booliiska ,Taliyaasha ciidanka Amniga Madaxda fulinta iyo sugida Amaanka Dadka iyo deegaankaba waxaa saaran – mas’uuliyadda fulinta iyo maaraynta istaraatijiyad Ammaanka iyo caafimaadka Dadka iyo deegaankaba.
• Sidoo kale waxaa saaran Masuuliyada Siyaasadda maamulk, iyo maareynta Amniga Bulshada, Qiimeynta Qataraha ku soo fool leh Mushtamaca iyo ka hortaga qorsho yaasha miinooyinka Mintiddiinta ee weerarada Argagixiso.
• Maamulayaasha Deeganka ,Ganacasiga, waxaa saaran Masuuliyad joogto ah oo maalin kasto ah, masuuliyada naftooda, shaqaalaha iyo tan dadka kale oo ay ku jiraan xubno ka mid ah dadweynaha.

• Shaqaalaha waxaa saaran mas’uuliyadda naftooda iyo tan Dadka kale, Waana in ay u gudtaan waajibaad kooda si hufan, oo leh badbaado nafeed.

IS WEYDII…

• Ma waxaan ogahay in iggu filan Arrimaha ku saabsan Ammaanka iyo Caafimaadka Bulshada iyo khatarta ku soo fool leh Dadka, iyo Macaamiisha kale ee goobta ay masuuliyad-deedu Anniga I saarantahay?
• Ma Waxaan fahamsanahay Arrimaha Caafimaadka iyo Badbaadada goobaha adeegga, Dalxiiska , Madadaalada, Waxbarashada , Isboortiga iyo Cabida iyo Cunada ee aan ku lug leeyahay Masuuliyadeeda >
• Miyuu Milkilaha goobtayda shaqo ama Madaxda kalle ee aan u shaqeeyo ay noo dajiyeen qorsho leh istaraatijiyada Ammaanka iyo Caafimaadka iyo miisaaniyadda ku filan meelmarinta dhoorista iyo bad baadinta naftatayda iyo tan macaamiisheena?
• Ma u muujiyay ballanqaad ah in ay igga go’an tahay Ammaanka iyo Caafimaadka marka

Helitaanka Xaq Ammaanka IYO Caafimaadka

 (1) Badaadinta nafta waa in ay lahaataa ahmiyad gaar ah.
 (2) Ka hortaga Khatarta ka ku imaankarta Macaamiisha.
 (3) Hagaajinaysaa niyadda shaqaalaha iyo macaamilkaada
 (4) Badbaadinta hantida iyo nolosha Goobta ganacsi iyo Macaamiisha
(5) Hagaajinta hufnaanta>
 (6) u dir, una gudbi fariin wanaagsan kuwa kale, oo ay ku jiraan shaqaalaha, Macaamilka iyo Bulshada kale
(7) Ahaaw mid muujinaya tusaalooyin wanaagsan had iyo goor.
LASCO QEYBAH KALE
WD BIDHAAMIYE