Maxaa Wariyaha ka Xanaajiyay Mise Falcelinteyduu ka Carooday???

Wixii ka Dambeeyay Bur burkii Dowladii dhexe ee Soomaliya waxaa is badalay dal iyo Dadba waxaa soo Baxay soomali kala qo qoban oo qolo qola u kala dirir ah Magaceey doonan ha isticmaalaan.

Dagaaladii sokeeye ee Dalka ka qarxay waxay dhibaato Nafeyd iyo Mid Maskaxiyeedba u geesteen Soomalida waxaana sidoo kale kala go’ay Bulshadii walaalaha aheyd ee Magaca soomali ku Mideysneyd.

Saxafiyiinta Soomaliyeed waxay noqdeen Dadka kaliya ee ay ku Dambeyso Soomalinimada iyo Midnimo Raadinta waxaana Tan iyo Bur burkii kadib Hana qaaday Warbaahin dhowr ah oo Madax banaan waxaana soo baxay oo Madaxa soo qaaday Dhalinyaro Badan oo Warbaahinta u ciil qaba in Mar un ay ka hadlaan.

Warbaahinta qaar waxaa lagu eedeya in ay Qolo gaar ah u Xagliyaan Lakin Saxafiga Soomaliyeed wuxuu ka madax banaanyhay Dhinacyada Siyaasada iyo qabyaalada Isku haaya.

Maalin ka hor Warbaahinta Caalamka ayaa waxay daabaceen War ku saabsan in Musharaxa Islaam Naceybka ku Caanbaxay ee Donald Trump uu ku dhawaaqay in Soomalida ku Nool Wadanka Mareykanka ay yihiin dad aan wanagsaneyn oo Mareykanka shar u ah Dhibaatana u horseedi kara .

Trump wuxuu dhowr jeer oo hore ku Cel Celiyay in Bulshada Soomaliyeed uu si aad ah Sharciyada ugu adkeyn doono hadii uu ku guuleysto Doorashada madaxtinimada.

Horta Anigu lama yaabaayo in Donlad Trump uu Soomalida Aflagaadeeyo kuna Tilmaamo dad wax magarata ah oo aan shaqeysan Meel iska Fadhiyo balse Markii Trump laga soo tago waxaaba jirta Dad Magaca soomali Wata oo hadana aad moodo in ay ku qanacsanyihiin Oorahda Trump uu Markasto ku dhaliilo Bulshada Soomaliyeed.

Mar aan sidaas u Fogeyn waxaan ku jiray Barteeda Facebooka oo aan Daalacanayay Markaasaan waxaan arkay Qof Saxafi ah oo weliba Warbaahin Caalami ah u shaqeeya oo ka soo hadlaya Warka Trump ay ka qoreen Warbaahinta Caalamka Wariyaha in uu soo gudbiyo Wararka waxa ay aheyd Shaqo aad u wanagsan lakin siduu isaga u hadlay Aniga Ilama Qurxooneyn.

wuxuu soo qoray Donald Trum ayaa aad u Dhaliilay Soomalida Mareykanka weliba Siyaasiyiinta Mareykanka waxay Aaminsaniyihiin buu yiri in Dadka soomalida ay yihiin Dad balaayo wad ah oo ay Wanagsaneyd in Mareykanka aan la keenin oo Xeryahii Qaxootiga Kenya la isaga haayo Sidaas ayuu Bartiisa Facebooka kusoo Daabacay Aniga waxaan kamid ahaay Dadka Fal Celinta ka Bixiyay Qoraalkaan uu Daabacay Wariyaha oo ka tirsan Shaqaalaha Laanta Afka soomaliga ee BBC.

screenshot_20161107-122040

Abdi Bidhaan Daahir wuxuu kamid yahay Shaqaalaha Laanta Afka Soomaliga ee BBC waana Midka Hadalkaan kusoo daabacay Bartiisa Runtii waa Wariye Soomaliyeed Balse u Muuqda Mid Caadifad kale ay ka Guuxeysay waala garan Wariyahaas Deegaan ahaan Halka uu ka so jeedo oo Meesha uu warka u xaglinaayo u muuqatay.

Falcelinta aan ka dhiibta Qoraalka uu Wariyuhu Bartiisa facebooka ku daaabcay waxay aheyd in aan ku dhahay War Ninyahow Hadalka Donal turmp waanba gartaye Adiga Ooraahdada sida aad u dhigeyso Ilama Qurxana sidaan filaayo waxaad tahay Saxafi Hey’adda Caalami u shaqeeyo Marka Hadalkaada yuusan u ekaan Mid Caadifad ah oo si kale yaan loo qaadin.

Hadalkaas Sababta aan u dhahay waxay aheyd Qaabka wariyaha uu Warka usoo Tarjumay ayaa u Muuqatay mid uuba kula dhacsanyahay in Bulshada Soomaliyeed uu Ninkaan Trump la dhaho uu Aflagaadeeyo.

Aad buu u mahadsanyahay Saxafigaas wuxuu iiso qoray Jawaab wanagsan balse aan u Fahmay Mid Isaga ka Careysiisay oo Xeta keentay in Bartiisa Facebooka uu iga Block gareeyay ma aqaan Sababta iyo Carada heerkaas gaarsiisay Wariyaha .

shaaciye24

wuxuu iishegay in isaga uu qoray war ay Warbaahinta Caalamka ay qoreysa Lakin aniga waaba isaga qancay Jawaabtiisa Hadana waxaa Lama Filaan kale ila Noqtay Qof Saxafi ah oo weliba ka shaqeeyo hey’ad warbaahin oo Caalami ah in Heerkaasi oo Xanaaqo Weliba uu hadal yar ka Xanaaqo.

Si kastba Wariyahaas Aniga Dhaliil kale uma qabin Balse Fikir ayaan la wadaagay Ha yeeshee Caro ayuuba kasii qaaday.

Ugu Dambeyn Qoraalkaan waxaan kusoo Gunaanadaya in Wariyaha uu Noqdaa Mid Hadalka uu sheegayo ay Noqoto Mid ka Fiirsasho leh oo waxa ka dhalan karaa uu Horteeda eego Saxafiyiinta waa dad Howlkar ah oo usoo Dhabar adeegay u shaqeynta Bulshadooda .