Maxad kala Socota Qodobada looga hadlaayo Shirka Urur Gobaleedka IGAD ee Goor dhaw Muqdisho ka furmayo?

Madaxda waddamada xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD ayaa laguu wadaa inay markii ugu horeysay ay magaalada Muqdisho ku qabtaan shir madaxeedkooda, tan iyo markiii ururkan la aasaasay 1986-kii.

Shir madaxeedkan oo saaka furmaya ayaa waxaaa ka qeybgalaya toddobada waddan ee ururka xubnaha ka ah ee kala ah: Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jamhuuriyadda, Djibouti, Jamhuuriyadda Ethiopia, Jamhuuriyadda Kenya, Jamhuuriyadda Koonfuurta Suudaan, Jamhuuriyadda Suudaan, iyo Jamhuuriyadda Uganda.

Qodobada shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah:-

Xasaradda ka aloosan Koonfuurta Suudaan
Arrimaha diyaargarowga Doorashada Soomaaliya
Arrimaha la xiriira iskaashiga
Wax wada qabsiga waddamada IGAD xubnaha ka ah.