Maxamed Cumar Carte oo Hambalyo u Diray Barayaasha Soomaaliyeed.

Maxamed Cumar Carte Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa maanta waxaa uu  ka hadlay xuska maalinta Macalimiinta Soomaaliyeed ee loo asteeyay 21 November.

Mr. Carte ayaa u hambalyeeyay macalimiinta Soomaaliyeed ,meel kasta oo ay joogaan,isagoona barayaasha ku tilmaamay  in ay muhiim u yihiin Dalkeena hooyo ee Soomaaliya.

“Maanta waa maalinta Macalinka Soomaaliyeed u asteysan, waxeyna ka shaqeynayaan howl muhiim u ah Qaranka oo ah in ay ubadkeena wax baraan; dugsiga la amaano wuxuu ku amaananyahay Macalinka wanaagsan”.

Gabagabadii Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa ugu baaqay Macaliimiinta Soomaaliyeed in ay ku dadaalaan soo saaridda jiil aqoon leh oo dalka horumariya.

Guud ahaan Soomaaliya ayaa maanta si weyn loogu xusay malinta macalinka soomaaliyeed,iyadoona ay xusid mudan tahay maanta oo kale barayaasha soomaaliyeed ay walaac xoogan ka muujiyaan dhibaatooyinka kala duwan ee loo geysto.