Maxkamad Kutaalo Mareykanka oo Danbi Ku Heshay Haween Soomaali-Mareykan ah

Maxkamad federaali ah oo ku taallo Mareykanka ayaa xukmisay in ay danbiilayaal yihiin labo hablood oo Soomaali-Mareykan ah kuwaas oo lagu eedeesnaa in ay lacago u aruuriyeen Xarakada  Al-Shabaab.

Muna Cusman Jamac, oo ah 36, iyo Hinda Cusman Dhirane, oo 46 sano jir ah ayey Maxkamada bariga gobolka Virginia ee dalkan Mareykanka ku heshay danbi ah inay qadka telefoonka ku abaabuleen koox haween ah oo gaareysa ilaa iyo 15 Ruux kuwaas u ururiyey lacago kooxda Kadagaalanta Somalia Ee Al-Shabab.

Muna Cusman Jaamac, oo ka mid aheyd Soomaalida degan magaalada Reston ee gobolka Virginia, iyo Hinda Cusman Dhiirane, oo daganayd degmada Kent ee gobolka Washington, ayaa labaduba la xiray bishii July ee sanadki 2014, isla waqtigaas waxaa la xiray Farhia Hassan oo ay xabsiga u taxaabeen booliska dalka Holland oo ka mid aheyd kooxda ka koobneyd 15-ka haween.

Muna iyo Hinda ayaa sidoo kale lagu helay danbiyo ah in ay ku kaceen shirqool iyo in ay si maaddi ah u taageereen koox argagixiso dibadda ah, waxaana ay wajahayaan xabsi dhan 15 sano.

Xakunka ugu danbeeya ee labadani haween ee asalkoodu Soomaaliga yahay ayaa lagu wadaa inuu dhaco bisha Janaayo ee sanadka 2017 soo aadan.