Home Wararka Maxuu ka yiri Qalbi Dhagax doorashadda ka dhacday Kismaayo ?

Maxuu ka yiri Qalbi Dhagax doorashadda ka dhacday Kismaayo ?

Cabdikariim Shiikh Muuse (Qalbi Dhagax) oo ka mid ah Madaxda Ururka ONLF ayaa ammaanay doorashadii maanta ka dhacday Magaalada Kismaayo ee lagu doortay Guddoonka baarlamaanka maamulka Jubbaland.

Waxaa uu sheegay in doorasho Xor iyo xalaal ah ay maanta ka dhacday Magaalada Kismaayo, islamarkaana Musharaxiinta la doortay iyagoo dhiibin Laaluush sidda dhacda doorashooyinka ka dhaca Soomaaliya.

Shacabka degaanada maamulka Jubbaland ayuu ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan dhameystirka doorashada Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo lagu waddo in ay Magaalada Kismaayo ka dhacdo dhamaadka Bishaan.

“Aad baan ugu faraxsnahay inaan goob joog ka ahay doorasho Qurux badan oo xor iyo xalaal ah” ayuu yiri Qalbi Dhagax.