Meydka Allah unaxariiste Wariye C/Caziiz Maxamed Cali Xaaji oo maanta Muqdisho lagu aasay

Allaha u naxariistee waxaa saakay Qabuuraha Iskuul Buluziya ee Degmada Xamar jajab ee gobolka Banaadir lagu aasay Meydka Wariye C/casiis Maxamed Cali Xaaji oo xalay kooxo hubeesan ay ku dileen Degmada Yaqshiid.

Aaska waxaa kasoo qeyb galay Masuuliyiin katirsan Ururka Saxafiyiinta Qaranka, Wariyaal , iyo Ehelada Marxuunka, waxa ayna dhamaan aad uga murugsanaayeen dilka arxan darada ah ee loo geestay Wariyaha.

Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Qaranka Somaliyed ee NUSOJ Maxamed Ibraahin Macalimuu, oo Warbaahinta la haday ayaa si kulul u cambaareeyay dilka loo geestay Wariye C/casiis Xaaji oo katrsanaa Idaacada Shabelle.

Wariyaasha magaalada Muqdisho ayaa dareen isku mid ah ka muujiyay dilkan loo geestay Wariye Xaaji, waxa ayna Wariyaasha ugu baaqeyn dowlada in ay wax ka qabato kooxaha sida fudud ku ugaarsada Wariyaasha Soomaaliyeed.

Waa wariyihii 13aad oo laga dilo Idaacada Shabeele oo ka mid ah idaacadaha madaxa banaan ee ku yaala magaalada Muqdisho.
haji_1

haji_2

haji_3

haji_4

haji_5