Mid Ka Mid Ah Mas,uuliyiinta Maamulka Putland Oo Iscasilay Waa Kuma Mas,uul Kaas——-

Xamdi Cabdi Gaani oo ahayd agaasimihii waaxda Genderka iyo xuquuqul insaanka wasaaradda dastuurka Puntland ayaa iska casishay xilkeeda sida Warbaahinta Puntland ay shaacisay
Waa agaasimihii labaad oo muddo bil gudaheed ah ka taga shaqada wasaaradda dastuurka Puntland, waxaana horey isku casilay agaasimihii waaxda dasturka Puntland Liibaan Cabdulaahi Ducaale.
Wasaaradda dastuurka Puntland ayaa sidoo kale waxaa horey uga tagay wasiirkeedii hore Sahro Xuseen Nuur.
Lama garanayo ujeedada ka dambeysa sababta agaasimaha ugu dambeeyay uu shaqada uga tagay, hase ahaatee ilo ku dhow ayaa inoo xaqiijiyay inuu jiro muran iyo isfahan waa ka dhex taagan wasaaradda.