Faafaahin Ka Soo Baxeysa Qaraxii Saakay Ka Dhacay Muqdisho Oo Lala Eegtay Mid Ka Mid Ah Shaqaalaha Dowlda

Qarax gaari nuuca raaxada lagu soo xiray ayaa saakay ka dhacay agagaarka Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan la sheegay in uu dhaawac culus uu kasoo gaaray ruuxii watay gaariga qaraxa lagu soo xiray.

Sida aan Wararka ku helnay gaariga qaraxa lagu soo xiray waxaa watay Cabdulqaadir cusmaan Faarax (Dr-Yare) oo tirsanaa shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in uu Dr Yare u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

Ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya ayaa gaaray halka uu ka dhacay qaraxa, waxa ayna halkaasi ka qaadeen dhaawaca shaqaalahan katirsanaa Shaqaalaha Wasaarada Waxbarashada, waxaana dhaawac la geeyay Isbitaal halkaas uu markii dambe ku geeriyooday.

Qaraxyada gaadiidka la isugu soo xiro iyo qaraxyada kale ee ismiidaaminta ayaa mudooyinkan dambe kusoo kordhay magaalada Muqdisho, laamaha amaanka ayaana wali qaadin tilaabooyin looga hortagao qaraxyada iyo dilalka qorsheesan ee kusoo kordhay Muqdisho.