Mid kamid ah Ergada soo Xuleysa Xildhibaanada Aqalka Hoose oo Shalay Magaalada Kismaayo lagu dilay

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Labo Nin oo ka mid ah Ergada soo Xuleysa Baarlamaanka Soo socda oo ku sugnaa Magaalada Kismaayo ay Maalintii Shalay ayTooreey isla dhaceen,waxaana dhintay mid kamid ah ,halka midka kale uu dhaawac soo gaaray.

Tooreynta Labadan Oday ayaa timid ka gadaal Markii ay Ku Murmeen Habka ay usoo xuli lahaayeen Xildhibaanada Aqalka Hoose ee la filaayo in Kismaayo ay ka dhacdo Dhawaan.

Labada Nin ee Istooreysay ayaa la sheegay in ay Isku Beel kasoo jeedaan waxaana dhexmaray Muran xoogan oo ugu Dambeyn Sababay in Tooreey ay isla dhacaan Mid kamid ahna uu geeriyoodo.

Dhacdadaa ayaa waxa ay Noqotay Mid ay Aad uga Argagaxaan Beesha ay kasoo jeedaan