Sida Lagasoo Xiigtay U qaabilsanaha ururka Midawga Afrika arrimaha Soomaaliya danjire Francisco Jose Madeira ayaa sheegay in ururka Midawga Afrika uu wado qorshe uu ciidamada AMISOM Soomaaliya
uga saarayo waxa ka dambeeya marka ay soo dhamaadaan hawlaha doorashada.
Francisco Jose Madeira waxaa uu ku sheegay shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Nairobi in
ciidamada AMISOM si tartiib ah Soomaaliya looga saarayo kadib doorashada sanadkaan ka dhacaysa
waxaana uu sheegay in qorshahaan uu yahay mid go’aankeeda ay gaareen madaxda ururka midawga Afrika.
“Waxaa jira qorshe dhamaystiran oo aan ku doonayno inaan awooda dalka ugu wareejinayno madaxda
dawlada lasoo dooranayo ciidamaeenana waxaa la bilaabayaa inay Soomaaliya ka baxaan doorashada
sanadkaan dalka ka dhacaysa kadib” ayuu yiri Francisco Madeira wakiilka ururka midawga Afrika ee
arrimaha Soomaaliya.
Danjire Madeira waxaa uu sidoo kale sheegay inay hadda wadaan diyaarinayaan qiyaastii 10 kun oo
askari oo Soomaali ah kuwaasoo loogu talo galay inay la wareegaan hawsha ay ciidamada midawga
Afrika ee AMISOM.
Sidoo kale danjirahaan u hadlay ururka midawga Afrika waxaa uu sheegay in ciidanka Soomaaalida
ah ee la diyaarinayo la qalabaynayo si ay u hantaan amniga wadanka waxaana uu intaa ku daray
in waxa ka dambeeya marka la gaaro sanadka 2018 Ciidamada AMISOM ay si buuxda Soomaaliya
uga faaruqayaan.
Wakiilka midawga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya waxaa uu sidoo kale ugu baaqay dawladaha
ay ka socdaan ciidamada ku shaqeeya magaca AMISOM inay dhex dhexaad ka noqdaan siyaasadda
Soomaaliya oo ay dhana la safan sida uu yiri.
Ururka Midawga Afrika Soomaaliya waxaa ka jooga in ka badan 20 kun oo askari kuwaasoo dawlada
Soomaaliya ka caawiya dagaalka ay kula jirto Xarakadda Al-Shabab waxaana ciidamada AMISOM
joogaan muddo ku dhawaad 10 sanno ah.