Midowga Afrika oo ku dhawaaqay Qorsho Halis ku ah Xarakada Al-Shabaab.

Shir Soconayay mudo Saddex maalin ah, kaasi oo looga hadlayay amniga iyo waliba la dagaalanka Xarakada Al-Shabaab ee ku sugan Gobolada qaar ee Dalka ayaa dhexmaray saraakiisha Ciidanka Militariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Labada dhinac ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii Shabaab looga saari lahaa Degaano iyo Degmooyin qaar oo ay ka joogaan Gobolada Dalka.

Saraakiisha ayaa soo bandhigay aragti la xiriirta in guluf colaadeed lagu qaado goobaha ay ku sugan yihiin Dagaalyahanada hubeysan ee Shabaab.

General Cusmaan Nuur Subagle Taliyaha Ciidanka AMISOM ayaa sheegay saraakiisha in ay isku afgarteen in Shabaab lagu qaado weeraro aan kala joogsi laheyn.

Masuul u hadlayay Midowga Afrika ayaa sheegay inay Dhawaan bilaabi doonaan Weerar Xoogan oo laga fulin Doono Deegaano badan oo ka Tirsan Gobalada Dalka oo ay ka Arimiyaan ururka Al-Shabaab.