Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland oo laga gudbiyay.

Wararka ka imaanaya  Magaalada Kismaayo oo Xarun KMG ah u ah Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa sheegaya in Mooshin Xilka qaadis ah qaar kamid ah Xildhibaanada Jubbaland ay ka gudbiyeen Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid aadan.

Xildhibaanada Mooshinka Xilka qaadista ah ka keenay Maxamuud Sayid aadan oo ah Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland ayaa la sheegay in ay gaarayaan 36 Mudane.

Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland ayaa la sheegay inuu qabtay Mooshinka laga keenay Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan.

Arintan ayaa waxaa ay k soo beegmayaa xili xildhibaanada baarlamaanka jubaland ayaa aad ugu kacsanaa wasiirada maamulka jubaland,iyadoona hada qaar ka mid ah madaxda jubaland ay wadaan qorsho lagu qaarijinayo xildhibaanada baarlamaanka jubalanad,