Mun united Iyo Arsenal Yaa Guulo Badan Halkaan Ka Aqriso——-

Kooxaha Man United iyo Arsenal ayaa kulan ka tirsan horyaalka Premier League galabta wada ciyaari doona 3:30 xilliga Muqdisho iyadoo ay marti tahay Gunners, haddaba ka hor kulanka maanta yaa guulo badan labadan kooxood?.

Gunners guul waa ay ku soo gaari la’ yihiin garoonka Man United ee Old Trafford muddo haantan laga joogo 10 sanadood, waxaana ugu dambaysay guul ay Man United garoonkeeda uga soo gaaraan kulan Premier League ah oo dhacay 17 bishii September sanadkii 2006, markaasoo ay ku soo adkaadeen 1-0, waxaana goolka qura ee ay guusha ku soo qaateen u dhaliyey Emmanuel Adebayor.

Haddaba aynu eegno rikoodhka guulaha labada kooxood ee Manchester United iyo Arsenal oo galabta isku qaban doona garoonka Old Trafford kulan ka tirsan horyaalka Ingiriiska.

Kooxda Man United ayaa guulo badan oo badisay 94 jeer, halka kooxda tababare Arsene Wenger ee Arsenal ay badisay 80 jeer, waxaana labadan kooxood ay barbaro galeen 49 kulan.