Munaasabadda Xuska Ciidanka Xooga Dalka Oo Maanta Muqdisho Ka Dhaceyso———-

Xuska maalinta aas aaska Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee 12-ka April ayaa maanta lagu wadaa inay ka dhacdo magaalada Muqdisho, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay

Munaasabadan ayaa ka dhici doonta xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, halkaasoo ciidamada xoogga dalka ku soo bandhigayaan dhoolatus iyo gaada-ka ciyaar.

Waddooyinka Muqdisho ayaa intooda badan loo xiray xuska maalinta ciidanka xoogga dalka, iyadoo meelaha qaar loo diiday inay isticmaalaan dadka iyo gaadiidka.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Jen. Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid ayaa u hambalyeeyay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, isagoo u rajeeyay guul iyo baraare inay ku gaaraan sanadkan kiisa kale.

Waxaa uu sheegay in ciidamada xoogga dalka la aas aasay 1960, 12 April, waxaana uu xusay in maanta ay u dabaal dagayaan 57 guuradii ka soo wareegatay aas aaska ciidanka.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ah taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ayaa ka qeyb geli doona munaasabada maalinta aas aaska ciidamada xoogga dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa xalay ugu cudur daartay shacabka Muqdisho xirnaanshaha waddooyinka, waxaana ay ka dalbatay inay u dulqaataan, maadaama loo dabaal dagayo maalinta ciidanka xoogga dalka.