Waxaa Magaalada Cadaado Maanta ka Bilaabata Wejiga Seddexaad ee Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaliya .
Ergada ayaa Maanta waxa ay Dooraneysa ilaa 9 Kursi oo Aqalka Hoose ah waxaana Doorashada ay ku Bilaabatay Jawi dagan.
Ergada ayaa u Codeeyay Laba Kursi waxaana ku kala Guuleystay Mustaf shiikh Cali Dhuxulow iyo Xuseen Qaasim Yuusf .
Musharax Mustaf Dhuxulow ayaa ka guuleestay Musharaxii la tarmayay ee Cabdiweli Nuur Faarax kadib markii uu tanaasulay, Waxaana Xildhibaan Mustaf Dhuxulow qaab gacan taag ah ugu codeeyay 47-ergo oo goob joog ka ahaa hoolka doorashada ka socotay.
Cabdiweli Nuur Faarax ayaa sheegay in uu go’aansaday in uu ka tanaasulo tartanka , waxa uuna cadeeyay in aysan jirin cid ku qasabtay in uu tanaasulo balse isaga uu go’aansaday in uu u tanaasulo Xildhibaa Mustaf Dhuxulow.
Mustaf Dhuxuloow waxaa lagu Xasuustaa in uu Ahaa Xildhibaan U Damqada Umadda Soomaliyeed ee Tabaaleysan Sidoo kale Marka uu Wasiirka Warfaafinta ahaa Door weyn ayuu ka qaatay Taakuleynta Masaakiinta iyo Dadka Araga la’ ee Muqdisho ku Nool.