Nabadoon Soomaaliyeed oo Weerar Afka ku qaaday Wasaarada Arimaha Dibada Dalka.

Guddoomiyaha Odayaasha Dhaqanka Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad oo la hadlayay warbaahinta  ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay dayacday Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koofur Africa.

Maxamed Xasan Xaad Guddoomiayaha Odayaasha Dhaqanka Midnimada Beelaha Hawiye ayaa ku eedeeyay Masuuliyadda Dayacaadda Soomaalida ku nool Dalka Koofur Africa Wasaaradda Arrimaha Dibadda,maadaama laga rabay  in ay wax ka qabato dhibka ay la kulmayaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Dalka Koofur Africa ayaa waxaa Goobahooda ganacsi iyo Naftoodaba dab la qabadsiiyaa Muwaadiniita Soomaaliyeed ee ku nool.

Madaxda Dowlada Soomaaliya ayaa hada waxaa ay aad ugu mashquulsan yihiin Xil Raadis,maadaama ay Xusid mudan tahay in Muwaadiniin Soomaaliyeed ay ku dhibaateysan yihiin Dalka koonfur afrika.