nadiga kuabada cagta ee dekada ayaa rajo wanagsan kaleh in ey usoo baxdo Is Reeb Reebka jamaacada Carabta

Kooxaha kubbada cagta Dekedda iyo Volcano ayaa wada KUBARITAMAY kulan ciayareed ka tirsan is reerb reebka tartanka jaamacada carabta labada NADI ayaa ciyaar xiiso badan ku qaatay Garoonka Al-Hagi Gulled Stadium ee dalka jaarka eynu nahay ee Jabuti waxa ay soo bandhigeyn kubbada aad uwanagsan oo ay u riyaaqeyn taageerayaashii ku suganaa Garoonka,xili qeybtii hore ee kulanka uu kusoo dhamaaday barbaro goolal la’aan.
Markii leysku soo laabtay qeybtii labaad ee kulanka kooxda matalaysa dalkeena Soomaaliya ee Dekedda waxa samaysay fursado badan oo goolal loo filan karay waxaana goolal badan ka qasaariyay xidigaha kala ah Bile Muxyidiin Buraale,C/kariin Cabdalla Quabaaye,Chububize Simon,dhinac kale qaar ka tirsan xidigaha naadiga Dekedda ayaa sheegay in ay guul u qalmeyn,balse nasiibka uu ka hiiliyay.
Si kastaba kulankii xiisaha badan ee labada koox waxa uu kusoo idlaaday barbaro goolal la’aan,Dekedda ayaa kulankeeda labaad 16-bishaan la ciyaaridoonto dhigeeda Telkom oo ka dhisan dalka Jabuti.
Safkii U Ciyaaray Naadiga Dekedda
Gool haye-Juma
Daafacyda:-Xasan Xuseen Afgooye,Idris Amiin Cali,Mustaf Ciro,Xasan Siidow Hilowle
Qadka Dhexe:-Axmed Xasan Macaane,Cabdrikariim Cabdalla (Qubaaye) ,Atiige Ciise.
Weerarka:-Cabaas Amiin Maxamed,Bile Muxydiin Buraale,Nuure
Keydka:-Xasan Santos,C/qadir Muxyidiin Yariis, C/llahi Cali Bille, Xasan Ibrahim,Siid Cali Baana, CabdiCasiis Maxamed Cali (Homey),Bile Bashiir Colaad.
14292241_1141981292543816_3266172731388773515_n

W/D/ MOHAMED ABDI KARIIM BAAJKA