Neymar Oo Ku Ciyaaray SaxiibKii Mascherano Kulan Ka Tirsanaa Tartanka Koobka Aduunka 2018————-

Xulka Brazil ayaa Si Cajiib Ah Ugu Adkaadeyn Kooxda Argentina uu hor kacayay Laacibka Aduunka Lionel Messi kulan ka tirsanaa isreeb-reebka koobka adduunka oo ay kaga adkaadeen 3-0.

Xiddigaha ka wada tirsan Barcelona ee Neymar iyo Mascherano balse labada xul kala matalayay ayay dhacdo yar ku qabsatay garoonka.

Neymar ayaa ka carreysiiyay xiddigaha Argentina oo uu sidoo doono ugu goynayay, balse goysmada badan waxaa ka dhiidhiyay oo diiday Mascherano oo jilaafeeyay saaxiibkii.

Kaamirooyihka ayaa soo qabanayay Neymar oo ku oronaya ama u tilmaamaya Mascherano inuu is dajiyo.

Ugu Danbeentii Xulka Brazil Ayaa Ka Adkaatay Xulka QaranĀ Argentina Oo koobkii aduunka 2014 Kaalinta 2aad soo galay.

WQ. ismaciil cabdi ibrahim { sanka }

 

jjj

war

ney1