Nin dad badan ku tooriyeeyay Minnesota

Boliiska gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa toogasho ku dilay nin mindi ku weeraray dad wax ka iibsanayay suuq wayn oo laga tukaamaysto.

Ninkaasi ayaa tooriyeeyay ugu yaraan sagaal ruux kahor inta aan la tooriyaynin.

Ma jirto wax cadaynaya sababtii ku qaaday in uu dadka ku tooriyeeyo magaalada St. Cloud oo boqol kiiloo mitir u jirta magaalada Minneapolis.

Warkan oo hadda uun soo dhacay wixii ka soo kordha gadaal ayaan ka soo sheegaynaa