Odayaasha Dhaqanka oo Maanta kala qaadaya Ciidankii Isku Horfadhiyay Galkacyo

Wararka aynu Saakay ka Heleyno Magaalada Galkacyo ayaa waxa ay sheegayan in Xaalada Saakay ay kusoo Laabatay sidii hore Dhaq dhaqaaqa Dadka iyo Ganacsigana uu dib ugu soo laabatay qeybha Kala Duwan ee Galkacyo oo Maalmihii Ugu Dambeeyay ay xiisado dagaal ka jireen.

Odayaasha iyo Waxgaradka ka soo kala jeeda Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa Saakay la filayaa in ay kala qaadaan Ciidamada Labada Maamul ee isku hor fadhiya Galbeedka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Nabad doonada Labada Maamul ayaana la filaaya in ay tagaan Goobihii lagu dagaalamay ee Ciidanka Isku Horfadhiyaan waxaana la filaya in Ciidanka la kala qaado si markale dagaal uusan u dhicin.

Nabaddoom C/wahaab Maxamuud Gureey oo ka mid ah Waxgaradka Gobolka Mudug ayaa sheegay in ay Saaka Tagayaan Goobihii lagu dagaalamay islamarkaana ay ku Rajo weyn yihiin in ay kala qaadaan Ciidamada Is hor fadhiya.

Waxgaradka iyo Culimada ka soo jeeda Labada Maamul oo shalay ku kulmay Magaalada Galkacyo ayaa waxa ay Qodobo ka soo saareen Xiisada Galkacyo iyadoona lagu heshiiyay in Xabada la joojiyo Labada ciidana la kala qaado.