Olympique Lyonnais Oo Shaaca Ka Qaaday In Ay Soo Diiday Dalab Arsenal Ay Ku Doonaysay Alexandre Lacazette Iyo Lyon Oo War Saxaafadeed Ka Soo Saartay Warka Lacazette La Xidhiidhinaya Gunners

Tababare Arsene Wenger ayaa xagaagan suuqa ugu jira sidii uu ku heli lahaa gool dhaliye tayo leh balse macalinka ree France ayaa haddaba ku fashilmay laba isku day oo uu si rasmi ah u sameeyay. Arsenal ayaaa 20 milyan oo gini ku dalbatay Jamie Vardy balse xidiga ree England ayaa iska diiday Gunners wuxuuna doortay in uu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa Foxes.

Mar labaad Arsenal ayaa dalab lacag iyo Giroud iskugu jiray u dirtay kooxda Napoli waxayna Arsenal doonaysay in ay la soo wareegto Gonzalo Higuain basle markale Wenger ayaa isku daygiisa waji gabax kala kulamay kadib markii ay kooxda Juventus tartanka Higuain ku guulaysatay. Laakiin haddana Arsenal ayaa dalab 35 milyan oo euros ah ka gudbisay xidiga kooxda Olympique Lyonnais ee  Alexandre Lacazette.Arsene Wenger is searching for a new striker, but has failed in his first attempt to sign Lacazette from Lyon

Laakiin kooxda ee  Olympique Lyonnais  ayaa  si rasmi ah u beenisay war ay qortay jariirada  Le Progres taas oo sheegtay in Gunners ay Alexandre Lacazette ku dalbatay 48 milyan oo euros. Waxayna Lyon warkan ku beenisay war saxaafeed rasmi ah oo ay meesha kaga saartay warka Le Progres.Arsenal are in the market for a striker and have had a £29.4m bid rejected for Alexandre Lacazette

Qoraalka ka soo baxay kooxda Lyon ee lagu beeniyay in Arsenal ay dalab 48 milyan oo euros ah ka soo gudbisay Alexandre Lacazette ayaa lagu yidhi: ” Kooxdani waxay ka murugaysan tahay in Le Progres ayna go’aansan in ay xidhiidh nala soo samayso ka hor inta yna daabicin warkan beenta ah kaas oo wareer abuuray maalin ay kooxdu daabacday xisaabteeda oo ah 218.1 milyan euros oo ah boqolkiiba 111% horumar laga sameeyay tan iyo xili ciyaareedkii 2014/15″.

Alexandre Lacazette

Laakiin kooxda Lyon ayaa cadaysay in Arsenal ay soo gudbisay dalab 35 milyan oo euros ah kaas oo ayna Lyon wax dabagal ah ayna ku samayn waxaana qoraalka oo sii socda lagu yidhi: ” Xaqiiqdu waxay tahay in kooxda Arsenal ay samasyay dalab qiimihiisu yahay 35 milyan oo euros kaas oo ayna Lyon hal sabab u daba galin”.

Alexandre Lacazette1

Kooxda Lyon ayaana sheegtay in ay sii ilaashan doonto xidiga kooxdeeda muhiimka ka ah ee  Alexandre Lacazette waxaana qoraalka la sii raaciyay:”Lyon waxay sii ilaashan doontaa  Alexandre Lacazette kaas oo aan la badali karin isla markaana ka mid ah hogaamiyaasha ugu muhiimsan kooxda Bruno Genesio”.