Oradyahanka Soomaliya u Matalaya Ciyaaraha Olombiga oo Maanta ka qeyb gali doono Tartanka Orodka ee 5-ta Kun oo Mitir

Orodyahanka Maxamed Daa’uud Maxamed oo Dalka Somaliya uga qeybgalaya tartanka Olombikada ee Ciyaaraha fudud ee ka socda Magaalada Rio de Jeneria ee Wadanka Brazil ayaa lagu wadaa inuu maanta ka qeybgalo tartanka ororka 5000, ee mitir.

Maxamed Daa’uud ayaa Dalka Somaliya u matalaya ka qeybqaadashada Tartanka ciyaaraha fudud, gaar ahaan 5. Kun ee mitir,iyadoo gabadhii Maryan Nuux Muuse ay gashay kaalinta ugu dambaysa tartankaasi.

Orodyahan Maxamed Daa’uud ayaa loo rajeeyay in uu Dalkiisa iyo Dakiisaba guul u soo hooyo, islmarkaana uu noqdo halyeeygii Cabdi Bile Cabdi oo guulo muhiim ah ka gaaray sanadihii siddeedtameeyadii Ciyaaraha Fudud ee Caalamka.

Wadamada uu la ordi doono Maxamed Daa’uud waxaa ka mid ah:-

Lucas Bruchest (Canada)

Ilias Fifa (Spain)

Mohamed Farah (Britain)

Hagos Gebrhiwet (Ethiopia)

Bernard Lagat (USA)

Bashir Abdi (Belgium)

Joshua Kiprui Cheptegei (Uganda)

Hayle Ibrahimov (Azerbaijan)

Hari Kumar Rimal (Nepal)

Olivier Irabaruta (Burundi)

Hasan Maed (USA)

Kota Murayama (Japan)

Younes Essalhi (Morocco)

Sam McEntee (Australia)

Richard Ringer (Germany)

Kemoy Campbell (Jamaica)

Caleb Mwangangi Ndiku (Kenya)

Albert Kibichii Rop (Bahrain)

Aron Kifle (Eritrea)

Mukhlid Alotaibi (Saudi Arabia)

Charles Mneria (Kenya)

Rosefelo Siosi (Solomon Islands)

Jocob Kiplimo (Uganda)