Puntland oo loogu baaqay inay ka laabato go’aankeeda ku aadan xiritaanka Xadkeeda.

Qaar ka mid ah Ganacsada isaga kala gooshta Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa ugu baaqay maamulka Puntland in ay ka laabtaan go’aankii ay ku joojiyeen gawaarida ka timaada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Kulan goor sii horeysay oo maanta ah ay yeesheen qaar ka mid ah ganacsataadaasi ayaa waxay kaga hadlieen go’aanka Maamulka Puntland ay ku mamnuucday gawaarida xamuulka qaada ee isaga kala gooshta Deeganada ay ka arimiyaan Galmudug iyo Pun tland,waxay ganacsatadu kulankoodu ku sheegeen dhibaato xoogan ay arintaasi ku qabaan iyaga oo sidoo kale sheegay in Gawaari ay leeyihiin ay kula xayiran yihiin Koonfurta deegaanada maamulka Puntland.

Madaxda dowlad goboleed Puntland ayay ka codsadeen in ay ilaaliyaan Soomaalinimada , islamarkaana ay isku furaan ganacsiga Koonfur iyo deegaanada maamulka Puntland.

Puntland ayaa dhawaan ku dhawaaqday in ay xirtay xuduudka ay la wadaagto Koonfurta Soomaaliya sababo ay ku sheegtay sugitaanka amniga deegaandeeda