Puntland oo Sheegtay inay la wareegtay Qandala iyo Daacish oo lagu Arkayo Wadooyinka qaar.

Wararka Naga Soo Gaaraya  Gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka Puntland ay la wareegeen Degaanka Qandala ee Gobolkaasi.

Degaankan ayaa muddooyinkii dambe waxaa ku sugnaa Dagaal yahano ka tirsan Ururka Daacish.

Saraakiil  ka tirsan Maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in Degaanka haatan ay gacanta ku hayaan Ciidamada Maamulkaasi.

Ciidamada Puntland ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxey wadaan howlgallo xoogan oo lagu doonayay dib u qabsashada Degaanka Qandala.

Balse  warar Qaar  ayaa sheegaya in Duqeyn iyo Dagaal ka dhacay Degaanka Qandala lagu Dilay ugu yaraan Dagaal yahano oo ka mid ahaa Kooxda Daacish.