Qaban-qaabada soo dhoweynta madaxda IGAD oo ka socota garoonka Aadan cadde & duulimaadyadii rayidka oo la joojiyey

Qaban-qaano xoogan oo lagu soo dhoweynayo Madaxweynayaasha dalalka ku bahoobay urur goboleedka IGAD ayaa ka socota garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Garoonka ayaa maanta laga joojiyey guud ahaanba duulimaadyadii rayidka ahaa ee maalin walba u kala gooshi jiray gudaha iyo dibeda, iyadoo amaanka si weyn loo xoojiyey.

Ciidamada baambeyda Booliska ayaa garoonka lagu diyaariyey si ay salaan sharaf u siiyaan madaxda wadanka imaneysa maanta, iyadoo garoonka qeyb ka mid ah la suray calamada todobada dal ee xubnaha ka ah IGAD.

Dowlada ayaa sheegtay iney maanta dalka iman doonaan madaxweynayaasha todobadada dal ee xubnaha ka ah IGAD, kuwaasoo ka qeyb galaya shir madaxeedka ururkaas oo lagu wado inuu ka furmo Muqdisho.

Madax iyo saraakiil ka tirsan dowlada Soomaaliya ayaa garoonka dayuuradaha ku sugan kuwaasoo wada agaasinka iyo qaban-qaabada soo dhoweynta wufuuda dalka ku soo wajahan.

Goor dhow waxaa garoonka soo caga dhigatay dayuurad yar oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan wadanka Jabuuti kuwaaoo ka mid ah ilaalada Madaxweynaha wadankaas Ismaaciil Cumar Geelle.

Wixii warar ah ee ku so kordha booqashada wufuudan kala soco wararkeena soo socda Insha ALLAAH.