Qaramada Midoobay oo sheegtay in 50kun ay ku Barakaceen Colaada Galkacyo

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan isku xirka Bani’aadanimada OCHA ayaa sheegay in dagaalada dib uga soo cusboonaaday magaalada Gaalkacyo ay sababeen in 50,000 oo ruux ka barakacaan, iyadoo dadkaas oo u qaxay banaanka magaalada iyo deegaanada miyiga ay heysato xaalado bani’aadanimo.

Dagaalka Gaalkacyo oo bilowday 7-dii bishan ayaa sababay dhimashada in ka badan 10-ruux iyo dhaawac tiro intaa ka badan, waxaana dagaalka uu ka bilowday muran ka dhashay maxjar xoolaha ah oo Puntland ka dhiseysay galbeedka magaalada.

Ciidamada kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa wali isu hub uruursanaya, waxaana ay isku hor-fadhiyaan daanta galbeed ee magaalada, waxaana dagaalada dib uga soo cusboonaaday Gaalkacyo ay ka duwan yihiin dagaaladii horay uga dhici jiray magaalada, iyadoo dhinacyada dagaalamaya ay dirirtooda ka socoto banaanka magaalada.

War saxaafadeed ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa loogu baaqay labada dhinac ee dagaalamaya inay joojiyaan dagaalka, ayna gaaraan xabad joojin deg deg ah.

Dadaalo nabadeed oo ay wadeen waxgaradka, salaadiinta, ganacsatada iyo culumaa’udiinka ayaa guuldareystay, kaddib markii wax ka yar 24-saac uu ku bur buray heshiiskii nabadeed ee ay ka soo shaqeeyeen.