Qarax ka dhacay Cistibtaal ku yaala Dalka Pakistan oo dilay ku dhawaad 53 Ruux+Sawirro

Bam ayaa ka qarxay isbitaal ku yaayala koonfurta galbeed ee dalka Pakistan, waxaana ku dhintay ugu yaraan 53 ruux, tiro kale oo dad ah ayayna dhaawacyo ka soo gaareen.

 
Qaraxu wuxuu ka dhacay qaybta xaaladda dagdaga ah ee isbitaalka magaalada Quetta oo ah caasimadda gobolka Balochistan.

 
Rasaas ay dabo socotay qaraxaas, arrintaas ayaana dhacday waxyar uun kaddib markii garyaqaanno ay keeneen maydka Bilal Anwar Kasi oo ah garyaqaan sare oo oo caan ah oo la dilay sabaxnimadii hore ee maanta oo Isniin ah.

 
Garyaqaanno badan iyo saxafiyiin la socday maydka ayaa ka mid ah dadka ay waxyeeladu soo gaartay.
Booliiska dalkaas ayaa sheegay in qaraxaas uu ka dambeeyay qof is qarxiyay.

 
Ma cadda cidda ka dambaysa masuuliyadda weerarkaas.

 

_90708490_411b1766-e480-46fb-b6a0-8085f83ae3cd

_90708493_50bd5390-6729-4367-b28c-3e0008fdb45d