Qaraxyo xooggan oo ka dhacay agagaarka Garoonka diyaaradaha Muqdisho

Qaraxyo xooggan ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo laga maqlay qeybo badan oo magaalada ka mid ah, iyadoo qaraxyada kadib la maqlay rasaas culus

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxyada ay ka dhaceen goobo ku dhow Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, iyadoo rasaas culus la maqlayo.

Qaraxyada ayaa la sheegay inay labo ahaayeen, kaasoo mid ka mid ah uu ka dhacay Koontarool laga galo garoonka diyaaradaha oo lagu baaro baabuurta, kaasoo lagu magacaabo Madina Gate oo ku yaala dhinaca wadada ka timaada Dan-wadaagta degmada Wadajir.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe