Wiil Soomali ah oo Da’diisa lagu sheegay 17 jir ayaa iska soo tuuray Dhismo 5 Dabaq ah oo ku yaalla Degmadda Schmölln ee Bariga dalka Jarmalka.
Warbaahinta dalka Jarmalka ayaa baahisay in ciidanka ammaanka gobolka Thuringia ee dalka Jarmalka ay bilaabeen baaritaano ku aadan sabaha keenay in wiil Soomaaliyeed uu iska soo tuuro dabaq.
Duqa Degmadda Schmölln, Sven Schrade ayaa ku eedeeyey inay dad Daawadayaal oo hoos taagnaa Dabaqa uu Wiilka Soomaaliga iska soo tuuray ku dhiiri-geliyeen inuu Dabaqa ka soo boodo, si uu isku dilo.
Maalintii Jimacaha aheyd ayaa warbaahinta dalkaasi waxa ay baahiyeen in wiil Soomaaliyeed oo qaxooti ku ahaa gobolka Thuringia ee dalka Jarmalka uu iska soo tuuray Dabaq weyn oo uu kunoolaa.
Sarkaal ka tirsan Maamulka Gobalka oo lagu magacaabo Mathias Bergmann ayaa sheegay in qaar ka mid ah Dadkii daawanayey ay sawiro ka qaadeen Shilkaasi, sidii iyagoo daawanaya Filim.
Wiilkaan Soomaliga ah ee Iska soo tuuray Dabaqa ayaa la sheegay in Xooga Madaxa looga jiray oo Daawo ay u socotay.
Taliyaha ciidanka Booliska ayaa sidoo kale ku hanjabay in ay tilaabo ka qaadi doonaan cidii ku diiragalisay wiilka Soomaaliga ah oo da’diisa lagu sheegay 17 sano jir in uu dabaqa iska tuuro.
” Waxaan helnay xog muhiim ah oo ah in marka uu wiilkaasi dabaqa iska soo tuuray ay hortiisa joogeen dad badan oo daawanayay , dhacdaan waxaa ka dambeeyay dadka deriska la ah wiilkaasi ” sidaasi waxaa yiri Gudoomiyaha gobolka Thuringia Sven Schrade.