Qiimaynta Ciyaartoyda Kooxaha Real Madrid & Atletico Madrid Ee Kulankii Madrid Debry, Kumaa Ahaa Xidigii Garoonka Ugu Fiicnaa?

Kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid ayaa babraro 1:1 ah ku kala baxay kulankii Madrid Derby ee Santiago Bernabeu ka dhacay waxayna kooxda Diego Simeone ka soo kabsatay goolka ay Los Blancos hogaanka ciyaarta ku haysay ilaa intii laga soo gaadhay daqiiqadii 85 aad markaas oo uu Atoine Griezmaan kooxdiisa ka badbaadiyay guuldaro ay dhawr daqiiqo u jireen.

Real Madrid ayaa iska lumisay dhibcihii ay Barcelona iskaga ilaalinaysay waxayna ka war sugi doontaa haddii ay iyaduna asxaan ka heli doonto kooxda Malaga oo Barcelona soo dhawanaysa. Kooxda Luis Enrique ayaa haddii ay soo guulaysato hogaanka La Ligaha ku qaban doonta farqiga goolasha balse Real Madrid ayaa wali gacanta ku haysata kulankii Celta Vigo ee ubaaqday.

Haddaba waxaanu halkan idiinku haynaa qiimayntii ciyaartoyda labada kooxood ee kulankii Madrid Derby iyada oo qiimaynta ugu saraysa ee uu ciyaartoy heli karaa tahay 10 darajo wixii uu qaab ciyaareedkiisa kaga helo.

XIDIGII GAROONKA UGU FIICNAA:  Difaaca Real Madrid ee Pepe ayaa helay qiimayntii ugu saraysay ee ciyaartoyda labada kooxood ee kulankan kadib markii uu isku darsaday difaacasho wanaag iyo waliba in uu kooxdiisa u dhaliyay goolkii ay Atletico Madrid xaalada ugu adkaysay. Pepe aya helay qiimayn 8.3 ah mana jiro ciyaartoy kale oo qiimayntan gaadhay.

QIIMAYNTA CIYAARTOYDA REAL MADRID:

Guud ahaan qiimaynta ciyaartoyda Real Madrid ayaa ah mid fiican base meel dhexaad u badan marka laga reebo Pepe iyada oo Benzema, Bale iyo Ronaldo ayna kulankan iskugu muujin sidii laga filayay. Kroos iyo Marcelo ayaa ah labada ee xidig ee Pepe ugu soo qiimaynta dhaw.

Real Madrid (4-3-3): Navas 6.5, Carvajal 6.5, Pepe 8.3 , Ramos 6.8, Marcelo 7.6, Kroos 7.9 , Modric 6.9, Casemiro 7.1, Ronaldo 6.9, Benzema 6.6, Bale 6.9

Badalkii: Nacho 6, Isco 6.2, Lucas 6.1

Badal Aan La Isticmaalin: Casilla, James, Kovacic, Morata

QIIMAYNTA CIYAARTOYDA ATLETICO MADRID.

Atletico Madrid (4-4-2): Oblak 7.2, Juanfran7.3, Savic 7.7, Godin 7, Luis 6.7, Koke 7.3, Gabi 7, Niguez 6.8 , Carrasco 7.5 , Torres 6 , Griezmann 7.8

Badalkii: Gimeniz 6.1, Partey 6.3, Correa 6.9

Badal Aan La Isticmaalin: Cerci, Gomez, Moreira, Manas