Qiimayntii Ciyaartoyda Kooxaha Liverpool & Stoke City Ee Ay Reds Guusha Soo laabashada Layaabka Leh Soo Gaadhay Iyo Xidigihii Kulankan Isku Muujiyay.

Liverpool ayaa ka soo kabsatay gool ay Stoke City kaga hor martay waxaana saamayn layaableh kursiga kaydka kala soo baxay labada xidig ee ree Brazil ee Philioppe Coutinho iyo Roberto Firmino kuwasa oo laba gool ku dhaliyay muddo 126 ilbidhiqsi ah si ay Liverpool uga soo caawiyaan guul dahabi ah oo ay u muuqatay in ayna soo gaadhayn. Stoke City  ayaa ilaa daqiiqadii 70 aad laga soo gaadhay hogaanka ciyaarta 1:0 ku haysay.

Laakiin haddana ma rumaysan kartid in daqiiqadii 72 aad ay Liverpool hogaanka ciyaarta ku qabtay 2:1 waana natiijada ay Coutinho iyo Firmino dhinaca kale ugu dhigeen Stoke City. Klopp ayaa eedayn badan kula kulmay in uu Firmino kaydka dhigay kulan sida Stoke City oo kale u adag iyada oo Coutinho uu isna kaydka ku jiray maadaama oo uu xanuun ka soo kabsaday. Laakiin badalkii uu ciyaarta ku soo galiyay labadan xidig ee ree Brazil ayaa wax kasta badashay.

liverpool ayaa guulaysatay kulankii ugu horeeyay ee aanu shaxdeeda ku soo bilaaban Sadio Mane. Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qiimayntii ciyaartoyda labada kooxood ee lagu saleeyay bandhigii ay ka sameeyeen kulankan iyada oo qiimaynta ug saraysa ee uu ciyaartoy heli karaa ay tahay 10 darajo.

XIDIGII GAROONKA UGU FIICNAA: Philippe Coutinho ayaa noqday xidigii ugu fiicnaa garoonka inkasta oo uu qaybtii danbe badal ku soo galay. Xidiga ree Brazil oo kulankan rekoodh cusub ka dhigay isla markaana noqday xidigii ree Brazil ee abid ugu horeeyay oo 30 gool ka dhaliyay Premier Leaque-ga ayaa saamayn layaableh ku yeeshay kooxda Klopp ee uu dabku u sii damayay. Coutinho ayaa sabab u ahaa in Liverpool ay soo laabto wuxuuna dhaliyay goolkii barbaraha ee ruuxda Reds dib u soo celiyay. Coutinho ayaa sidoo kale fursado cajiib ah abuuray.

QIIMAYNTA CIYAARTOYDA STOKE CITY:

Guud ahaan Stoke City ayaa shaqado fiican qabtay ilaa intii ayna Liverpool samayn duufaantii ay jawaabta u waayeen waxayna nasiib xumo ku lahaayeen in ayna kulan ka helin wax dhibco ah. Marka laga reebo Berahino iyo Martins Indi oo kulankan ugu liitay waxay ciyaartoyda Stoke heleen qiimayn meel dhexaad ah

Stoke (4-4-2): Grant 7; Johnson 6.5, Shawcross 6, Martins Indi 5.5, Pieters 6; Shaqiri 7, Allen 6.5 (Adam 27, 6; Sobhi 81), Cameron 6, Arnautovic 6.5; Berahino 5.5, Walters 7 (Whelan 68)

QIIMAYNTA CIYAARTOYDA LIVERPOOL:

Inta ugu badan ciyaartoyda Liverpool aan helin qiimayn fiican maadaama oo ay si wayn u soo dhibtoodeen qaybtii hore laakiin Philippe Coutinho iyo Roberto Firmino oo ciyaarta iftiimiyay isla markaana Klopp ka dulqaaday culays iyo guuldaro aanu sharaxaad uheleen ayaa kulankan ka helay qiimayn sare waxaana sidoo kale qiimayn fiican helay Wijnaldum oo goolka guusha caawintiisa sameeyay si la mdi ah Matip oo difaacasho fiican sameeyay balse inta kale may helin qiimayn 7 darajo gaadha.

Liverpool (3-5-2): Mignolet 9; Lovren 5.5, Matip 7, Klavan 5; Alexander-Arnold 5.5 (Coutinho 46, 8.26), Milner 6, Can 6.5, Wijnaldum 7, Clyne 6; Woodburn 5.5 (Firmino 46, 8), Origi 6 (Sturridge 68, 6.5)