Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii Ay Chelsea Garaacday Manchester City – Kumaa Ahaa Xiddiga Garoonka?

Kooxda Chelsea ayaa sii xajisatay hogaankooda horyaalka Premier League ka dib markii ay 3-1 ku qaarjiyeen kooxda Manchester City, waxaana ay haatan seddex dhibcood ka sareeyaan kooxda kaalinta labaad soo gashay ee Arsenal, halka Man City ay u dhacday kaalinta 4aad.

Hadaba waxaan eegeynaa qiimeynta ciyaartoydii shalayto ku dheelay Etihad Stadium, kumaa ahaa xiddiga garoonka?

Manchester City
Claudio Bravo (6) Waxba kama uusan qaban karin goolashii Costa iyo Hazard laakiin inuu shaqo fiican qabto ayay aheyd goolka guusha ee Willian.

Nicolas Otamendi (5) Waxa uu qalad ku lahaa labo ka mid ah goolashii ay City dhalisay umana muuqan mid kalsooni qaba.

John Stones (6) Inkastoo uu qaladaad sameeyay bilowgii ciyaarta hadana waxa uu ahaa mid ka dhex muuqday wadnaha daafaca seddexda ah ee City.

Alexsander Kolarov (6) Xooganaan iyo heelanaan ayuu mar walba la taagnaa, laakiin waxaa orod ku dhaafay Willian.

Fernandinho (5) Xiddiga reer Brazil waxaa casaan la siiyay waqtigii dhimashada ciyaarta ka dib markii uu u gacan qaaday Cesc Fabregas, waxa uu wajihi karaa ganaax dheeri ah.

Ilkay Gundogan (7) Qaab ciyaareed fiican ayuu soo bandhigay xiddiga Jarmalka, hal abuurnimadiisana waxa ay aheyd halis mar walba.

Jesus Navas (7) Ciyaar iska fiican ayuu soo bandhigay xiddiga orodka badan ee Isbaanishka isagoo bedelay Sterling oo dhaawac kaga maqnaa kulankaan, waxaana uu sameeyay caawin.

Kevin de Bruyne (8) Aragti fiican iyo kubad natiijo leh ayuu isku darsaday laakiin kubad ku taabasho u baahan ayuu seegay qeybtii labaad.

Leroy Sane (7) Xiddiga da’da yar ee Jarmalka intii ay ciyaarta sii socotay ayuu soo fiicnaanayay, waxaana uu fursad weyn u abuuray Aguero.

David Silva (7) Farsamada xiddiga reer Spain waxa ay mar walba halis ku aheyd daafaca Chelsea.

Sergio Aguero (5) Saameyn badan kuma yeelanin ciyaartii shalayto, waxaana uu qasaan qaatay waqtigii dhimashada ciyaarta ka dib qalad uu ku galay David Luiz.

Badal:

Gael Clichy (Sane 69): Wax weyn kuma soo kordhinin City (5)

Yaya Toure (Gundogan 76) Wuu ku celin waayay gooldhalintiisii dhawaan (5)

Iheanacho (Stones 78): Awood weerar ayuu soo kordhiyay laakiin gool ma dhalinin. (5)

Chelsea
Thibaut Courtois (7) Wax fursad ah uma heysanin inuu badbaadiyo goolkii uu Cahill iska dhaliyay, laakiin fursado qaali ah ayuu ka beeniyay De Bruyne iyo Aguero qeybtii labaad.

Cesar Azpilicueta (6) Galab mashquul badan ayay u aheyd daafaca Isbaanishka oo isku dayayay inuu aamusiyo Aguero iyo Sane.

David Luiz (8) Qaab ciyaareed fiican ayuu soo bandhigay iyo weliba hogaamin heer sarre ah inkastoo uu nasiib ku lahaa inaan casaan la siinin bilowgii ciyaarta.

Gary Cahill (6) Nasiibdarro ayay aheyd inuu shabaqa iska soo taabto oo uu hogaanka u dhiibo City laakiin fursad gool loo fishay ayuu badbaadiyay.

Victor Moses (6) Kuma celin karin gooldhalintiisii isbuuc ka hor ee kulankii Spurs laakiin si wacan ayuu u dheelay.

N’Golo Kante (7) Shaqo madaalenimo ah ayuu soo bandhigay ninka reer France, marnaba ma joojinin inuu ka shaqeeyo inay ciyaartoyda kooxdiisa dheelaan.

Cesc Fabregas (7) Waxa uu buuxinayay booskii uu ka maqnaa Matic, waxaana uu caawin weyn u sameeyay Diego Costa goolkii barbaraha.

Marcos Alonso (5) Cadaadis badan ayaa saarnaa kulankii shalayto, waxaana uu ku dhawaaday inuu gool u hadiyeeyo Aguero.

Pedro (5) Wuu muuqday ilaa iyo intii uusan dhaawacmin qeybtii 1aad, waxaana uu dhibtoonayay ilaa iyo uu ka bedelay Willian qeybtii labaad.

Diego Costa (9) XIDDIGA GAROONKA Qaab ciyaareed sarre ayuu soo bandhigay Diego Costa, waxaana uu kooxdiisa ugu barbareeyay dhameystir aad u fiican.

Eden Hazard (8) Xiddiga reer Belgium ayaa soo bandhigay tayadiisa isagoo gool waqtigii dhimashada ciyaarta ku dilay City.

Bedel:
Willian ( Pedro daqiiqadii 49aad): Wuxuu goolka guusha u dhaliyay Chelsea (8)

Nathan Chalobah (Costa 85): Tamar cusub iyo caboonaan ayuu ku soo kordhiyay (5)