QM oo soo dhaweeysay xabad joojinta Siiriya.

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midowbay u qaabilsan dalka Siiriya ninka la yiraahdo Staffan De Mistura ayaa sheegay xabad joojintii ay gaareen dhinacyada isku haya dalka siiriya ay si wanaagsan udhaqan gashay ayna dhalisay in colaada ay joogsato,waxaa uu timaamay in muhimada kowaad ay tahay sidii kolonyo Gar gaar sida loo gaarsiin lahaa Bariga Magaalada Xlab Halkaas o Mucaaradku ku xooganyihiin islamarkaana ay maamulaan.

Staffan De Mistura ayaa hadalkaasi ka sheegay Magaalada Genea ee Caasimada Swizerland,balse wasiirka arimaha Dibada Siiriya ayaa sheegay in ogolaansho la’aan aan wax Gargaar ah lagaarsiin karin halkaasi.
Caruur fara badan ayaa la arkayay oo jidadka ku ciyaaraya kadib marki duqeybtii xooganeed ay ka istaagtay magaalada Xalab.

Isniintii ayee eheed markii ay xabad joojin ay kala saxiixdeen Dowlada siiriya iyo mucaaradka ka soo horjeeda.