Qodobo Hordhac ah oo laga soo Saaray Kulan Maanta Galkacyo ku dhexmaray Madaxda Galmudug iyo Punt

Magaalada Galkacyo Maanta waxaa ka dhacay Kulan lagu Xalinaayo Colaada Magaalada Galkacyo kaasi oo dhexmaray Masuuliyiinta Galmudug iyo Puntland.

Kulanka wuxuu socday wax kayar 40 Daqiiqo Waxaana lagu hesiiyay Qodobo dhowr ah oo Intooda Badan aan lagu soo hadal qaadin Xabad joojinta Galkacyo iyo heshiis Rasmi ah oo laga gaaro.

Madasha Shirkaan uu ka dhacay waxaa Goob joog ka ahaa Danjiraha Q.M ee Soomaliya Micheal keating iyo Raisul Wasaaraha Xukuumada Soomaliya Cumar C/Rashiid Cali Sharmaarke.

Halkaan Hoose ka Aqriso Qodobada :

1: In xabbada la joojiyo oo la magacaabo guddi isku dhaf ah.
2: in  in labataanka bishaan la isugu tago magaalada Kismaayo .
3: iyo In si dhab ah looga wada hadlo waxyaalaha muranka dhaliyay.

dscn7818 dscn7824 dscn7829 dscn7853 dscn7860 dscn7876 dscn7884 dscn7894 dscn7904 dscn7908 dscn7916 dscn7917