Raashin Gargaar ah oo la gaarsiiyay dagmada Go’doonsan ee Bardaale Gobolka Baay

Kolonyo Gaadiid ah oo sida raashin gargaar ah ayaa shalay galinkii dambe la gaarsiiyay degmada bardaale ee gobalka Baay.

Raashinka gargaarka ah ayaa loogu talagalay degmooyinka ay go’doomiyeen kooxda al-shabaab, kuwaas oo kala ah Bardaale, Diinsoor iyo Qansax dheere, sida uu Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay Cali Caddoow Isaaq oo ah guddoomiye ku xigeenka Degmada Bardaale.

“Raashinkan wuxu qeyb ka ahaa mucaawino ka timid dowladda Turkiga oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Fadaraalka ay hore ugu wareejisay Wasaaradda arrimaha Gudaha Koofur Galbeed, shalay galab ayuu nasoo gaaray, waxana loogu talagalay degmooyinka ay go’doonka galiyeen al-shabaab ee kala ah Diinsoor, Qansaxdheere iyo Degmada Bardaale” ayuu Yiri Muden Cali Caddoow.

Maamulka Gobalka Baay ayaa hore u sheegay in deegaanada gobalka Baay ee xaaladaha nolol xumada ah laga soo sheegayo in dhawaan la gaarsiinayo gargaar Bani’adanimo.