Rag ka tiran Al-shabaab oo lagu dilay Tuulo u dhow Nambar 50 Shabeellaha Hoose

Ciidamada Xoogga dalka ayaa maanta ka hortagay weerar gaadmo ah oo Al-shabaab ay ku qaadeen tuulada Ceelsaniini oo qiyaastii 15-KM u jirta deegaanka Nambar 50 ee gobolka Shabeellada Hoose.

Ammaanduullaha Guutada Koowaad ee Ciidamada Xoogga dalka Gaashaanle Aadan Axmed Cali oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ay heleen xogta Al-shabaab, islamarkaana ay ka hortageen weerar kaasi.

Aadan Axmed Cali ayaa sheegay in weerarka ay Ku dileen labo xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, halka afar kalana ay ku dhaawaceen weerarka ka dhacay Gobalka Shabeellada Hoose

Ciidamada xoogga ayaa maalmihii ugu dambeeyay howlgalo ka dhan Al-shabaab waxaa ay ka wadeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada hoose