Ragii weeraray Westgate oo lagu maxkamadeynayo Dalka Kenya.

Dowladaha Uganda iyo Kenya ayaa iska kaashanaya Maxkamadeynta rag lagu tuhmayo in ay ku lug leeyihiin weerarkii 21kii September lagu qaadaya Suuqa Westgate ee Galbeedka magaalada Nairobi,halkaas oo ay ku dhinteen 67 Qof oo Wadamo kala duwan ka soo jeeda
Maxkamadeynta Ragga la eedeeyay ayaa ka socotay Magaalda Kampala ee Dalka Uganda,waxaana hadda loo wareejiyay Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kadib markii ay isku afgarteen labada Dowladood.

Weerarkaas waxaa sheegatay Xarakada Al-shabaab,waxaana ay ku sheegeen in uu aargudasho u ahaa kadib fara gelinta Kenya ee gudaha Somaliya.
Magacyada Ragga loo hetso in ay weerarkaasi ka dambeeyeen ayaa kala ah: Max’ed Cabdi,Liibaan Cumar ,Aadan iyo Mustaf Xusee.
Waxaa kale oo ay Labad Dowladoodba ku raajoogaan Qofka 5aad oo ah qofka loo heysto in  uu Gaariga ku keenay Ragga fuliyay Weerarkaas islamarkaana baxsaday.
Maxkamadeynta Raggaas waxaa ay Nairobi ka billaaban doontaa 15ka Bishan September,waxaana la filayaa in xukun lagu rido kadib Maxkamadeyntooda.

sidoo kale waxa ay dowlada kenya iyada oo kaa shaneysa Britain waxa ku raad joogan aweyneydii hogaamineysay weerarkii lagu ekeeyay Xarunta ganacsiga ee westgate mall ee magaalada Nairobi waxaa haweyneydaasi asal ahaan ka soo jeeda dalka Ingiriiska.