Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlay xarig Moqdisho loogu gaystay mid ka mid ah odayaasha Soomaliland

Raisul wasaaraha Soomaliya Cumar C/rashiid ayaa ka hadlay Wararka sheegaya in Magaalada Muqdisho lagu xiray Mid kamid ah Odayaasha Dhaqanka ee soomaliland kasoo jeeda.

War qoraal ah oo ka soo baxday Xafiiska Raisul wasaare sharmaarke ayaa lagu cadeeyay in Ciidamo ka tirsan Nabad Sugida soomaliya ay 28-11-2016 Magaalada Muqdisho ku xireen Mid kamid ah Oday dhaqmeedka Soomaliland kasoo jeeda kaasi oo qeyb ka ah 135 Ergo ee soomaliland ka socota.

Raisul wasaaraha ayaa Amar adag faray Guddiga Amniga doorashooyinka wuxuuna ugu baaqay in aan wax fara galin ah lagu sameyn karin Odayaasha Dhaqanka, musharixiinta iyo Ergada Soomaliland ka soo jeeda.

img-20161129-wa0001