Ra’iisul Wasaaraha oo ku amray Ciidamada NISA inay faraha kala baxaan howlaha doorashooyinka (Akhriso)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa ku amray Ciidamada NISA inay faraha kala baxaan ama y joojiyaan faragelinta ay ku haayan doorashada dadban ee ka socota Gobolada dalka Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa loo kala diray, Guddiga doorashada dadban, laamaha amaanka iyo Beesha Caalamka, waxaana lagu wargeliyay ciidamada NISA inay faraha kala baxaan arrimaha doorashada, isagoo ku eedeeyay xiritaanka oday dhaqameed ka tirsan kuwa ka soo jeeda Gobolada Waqooyi oo ka tirsan Odayaasha 135-ta.

Warqadan oo soo baxday maalintii shalay oo ku taariikheysneyd 29 Bisha November ayaa lagu faray Guddiga amniga doorashooyinka in la ilaaliyo habsami u socodka howlaha doorashooyinka.

Halkan hoose ka akhriso:

warqad-cumar