Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya oo Qiray in doorashada ay ka jirto musuq maasuq(sababta ogow).

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa markii ugu horeeysaywaxaa uu  ka hadlay Musuq maasuqa la sheegayo in uu hareeyay doorashada Soomaaliya.

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado in musuq maasuq laga soo sheego doorashada Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Madaxda dowladda Soomaaliya aysan ku lug la heyn howlaha musuq Maasuq ee ka socda Doorashada Aqalka Hoose.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaadayso tilaabooyin ku aadan sidii looga hortagi lahaa musuq maasuqa la sheegaayo in uu hareeyay Doorashada Soomaaliya.

musua maasuqii ugu xumaaa ayaa ka jirta doorashada ka soconaysa dalka.