Raisul wasaaraha Somaaliya oo maanta gaaray magaalada Garowe.

Wasiirka Koowaad ee xukuumada Somaaliya Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmaarke iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor sii horeeysay oo maanta ah gaaray magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

Wafdiga uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garoowe ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland, Dhalinyaro iyo xubno kale.

Safarka Raisul wasaaraha ee uu maanta Garowe ku tagay ayaa lagu sheegay dhex dhexaadinta Maamulada Galmudug iyo Puntland oo maalmihiin la soo dhaafay dagaalo Goos goos ah ku dhex marayay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Cumar Cabdi Rashiid oo shalaygaaray magaalada Cadaado ayaa waxaa uu xalay ilaa iyo saaka waxaa kulamo gaar gaar ah la leyeeshay Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariim Xuseen Guuleed iyo wax garadka maamulka Galmudug kuwaas oo kala hadlay sidii loo dhameynlahaa Colaada ka taagan magaalada Gaalkacyo ee udhaxeysa Maamulada Puntland Iyio Galmudug waxaana kulamada raisul wasaaraha uu la yeeshay madaxda iyo wax garadka maamulka Galmudug uu ku soo dhamaaday is afgarad.