RASMI: Kooxda Paris Saint-Germain Oo Dhamaystirtay Saxiixa Xidiga Ree Argentina Ee Giovani Lo Celso

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay dhamaystirtay saxiixa xidiga ree Argentina ee Giovani Lo Celso kaa soo ay ka saxiixatay heshiis waqti dheer ah oo  dhacaya 2021. Giovani Lo Celso ayaa noqday saxiixii afraad ee xagaagan samayso kooxda PSG. PSG ayaa 19 jirkan aadka loo qiimeeyo kala soo wareegtay kooxda  Atlético Rosario Central.

Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay kooxda Paris Saint-Germain oo lagu shaaciyay heshiiska Giovani Lo Celso ayaa lagu yidhi: “Paris Saint-Germain waxa ay ku faraxsan tahay in ay ku dhawaaqdo saxiixa Giovani Lo Celso kas oo saxiixay heshiis shan sano ah.Xidigan khadka dhexe ee weerarka ahi waxa uu kooxda la joogi doonaa ilaa June 30,2021. Kadib imaatinkii  Hatem Ben Arfa, Grzegorz Krychowiak iyo Thomas Meunier, waxa uu Lo Celso uu noqonayaa saxiixii afraad ee 2016/17”.

Laakiin kooxda PSG ayaa xaqiijisay in Giovani Lo Celso uu kooxdiisa  Atlético Rosario Central la sii joogi doono ilaa December 31,2016 kadib markaas ayuuna si rasmi ah ula midoobi doonaa kooxdiisa PSG. Giovani Lo Celso ayaa xulka qaranka Argentina uga qayb gali doona tartanka  Rio Olympics oo dalka Brazil ka socon doona inta udhexaysa August 3 ilaa 20 August 2016.PSG2

Kadib markii uu ka gudbay tijaabada caafimaadka isla markaana uu saxiixay heshiiska shanta sano ah ee kooxda PSG, ayuu  Giovani Lo Celso dareebkiisa ka hadlay wuxuuna yidhi: “Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan u saxiixay Paris Saint-Germain. Waxaan si deg deg ah ugu soo biiri doonaa mid ka mid ah kooxaha Yurub ugu muhiimsan oo haysata koox ka kooban ciyaartoy waa wayn oo fiican oo ay ka mid yihiin saaxiibadayda Angel Di Maria iyo Javier Pastore”.