Real Madrid Oo Taako Kala Kulantay Atletico Madrid Xilli Antoine Griezmann Uu Barbareeyay Dhamaadkii Ciyaarta Iyadoo Tartanka Horyaalka Uu Xiiso Sii Yeeshay

Antoine Griezmann ayaa ka hor joogsaday Real Madrid guul ay si weyn ugu baahneyd ka dib markii uu kansalay xilli danbe gool uu Real hogaanka ugu dhiibay Pepe iyadoo ciyaartii adkeyd ee Madrid Derby ay ku soo ildaatay barbaro 1-1 ah, taasoo dib u sii fureysa tartanka horyaalka iyadoo Real ay haatan seddex dhibcood ka sareyso kooxda kaalinta labaad ee Barcelona oo caawa la ciyaareysa Malaga inkastoo Real uu weli u harsan yahay kulan ay la dheelayaan Celta Vigo.

Shaxda Ay Soo Xusheen Tababare Zidane & Simoene
Zinedine Zidane ayaa doortay shaxdii uu Atletico Madrid kaga qaaday koobka Champions League dhamaadkii bisha May markaas oo ay ku kulmeen magaaada Milan.

Zidane wuxuu si wadajir ah ugu soo bilaabay BBC (Benzema, Bale iyo Cristiano), sidoo kalana daafaca wuxuu isla helay Pepe, Ramos, Marcelo iyo Caravajal.

Isbadal weyn ayaa ka muuqdo marka la eego shaxdii ay kooxda kaga badiyeen Leganes,

Dhanka Simeone wuxuu kooxdiisa kusoo bilaabay shax adag, Kevin Gameiro ayaa ka qeyb qaadan waayay sahxda safka hore waxaana badalkiisa la xushay Torrs, halka  Gabi iyo Koke ay dhexda la wadaagi doonaan Saul Niguez.

Qeybtii Hore
Iyadoo ciyaarta aysan soconin shan daqiiqo ayay Atletico Madrid sigtay goolka Real, ka dib markii uu Koke laad xor ah oo cajiib ah uu ka soo qaaday meel 30 mitir u jirta goolka, waxaa ku sigtay Saul inuu madax ku dhaliyo laakiin ma uusan gaarin iyadoo kubada ay si ciriiri ah ku hareermartay goolka.

Ciyaarta ayaa aheyd mid aad u xamaasadeysay iyadoo Real Madrid ay markeeda fursad fiican heshay rubuc saac markii ay socotay ciyaarta, Ronaldo ayaa kubad ku helay geesta bidix ee xerada goolka, waxaana darbo gantaal ah uu tuuray si fantastik ah u soo badbaadiyay goolhaye Jan Oblak, haddii uu ahaan lahaa goolhaye kale waxa ay aheyd fursad gool loo fishay.

Daqiiqadii 20aad xiddiga reer Belgium ee Atletico Carrasco ayaa argagax geliyay Marcelo isagoo soo galay xerada goolka islamarkaana kubad u dhex bixiyay Griezmann kaasoo darbadiisa marka hore ay ku dhacday birta ka hor inta uusan kubadii ku celiska shabaqa dhex dhigin, laakiin offside cad ayuu ku jiray Griezmann markii ugu horeysay ee kubada helayay oo goolkiisa lama ansixinin.

Daqiiqadii 27aad Real Madrid ayaa heshay fursad dahabi aheyd oo gool loo fishay balse uu ka beeniyay goolhaye Jan Oblak, kubad dheer ayaa waxaa soo qaaday Pepe waxaa koontaroolay oo Benzema kaasoo kubada u dhiibtay Ronaldo oo durbadiiba kubada u celiyay Benzema oo goolka ku beegnaa, laakiin darbadiisa waxaa si fantastik ah u bixiyay goolhaye Oblak.

Real Madrid ayaa sida roobkii oo kale ugu da’aysay Atletico Madrid markii ay ciyaarta socotay nusasaac. Fursad ka fiicneyd tii Benzema ayay mar kale Real Madrid abuurtay daqiiqadii 31aad, Kroos ayaa khadka dhexe kubada uga soo dhiibay Modric kaasoo isna kubada u sii baasay Ronaldo oo taagnaa garabka midig ee xerada goolka, waxa uu xiddiga reer Portugal ku guuleystay inuu darbo fiican dabamariyo goolhaye Oblak oo ku soo baxay laakiin Savic ayaa xariiqda goosha madax ku bixiyay kubada.

Islamarkiiba mar kale Gareth Bale ayaa fursad fiican ku helay Atletico laakiin darbadiisa waxaa mar kale isku duubay goolhaye Oblak oo u babac dhigay cadaadiska ay Real Madrid saartay Atletico.

Daqiiqadii 39aad Griezmann ayaa fursad ka abuurtay meel ciriir ah waxa uu kubad ku soo hor qaatay labo daafac oo Real Madrid ah isagoo aan u dhaweyn goolka, inkastoo aysan jirin xiddig kale oo uu kubada u dhiibto, waxa uu halkiisa ka haweystay goolka iyadoo Keylor Navas uu ka badbaadiyay islamarkaana uu kooner u saaray. Waxaana qeybtii hore lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah.

Qeybtii Labaad
Bilowgii qeybta labaad Cristiano Ronaldo ayaa u dhawaaday inuu kubad madax ku dhaliyo laakiin waxa ay si ciriiri ah ku hareermartay goolka. Iyadoo daqiiqadii ku xigtay uu goolhaye Jan Oblak fursad fiican ka beeniyay Karim Benzema.

Daqiiqadii 52aad ayay Real Madrid hogaanka u qabatay ciyaarta markii laad xor ah uu soo qaaday Tonis Kroos uu madax ku dhaliyay daafaca Pepe kaasoo u dabaaldegay goolkiisii ugu danbeysay ee Madrid derby ka hor inta uusan ka tagin kooxda xagaaga soo socda.

Inkastoo ay ciyaarta iska heysatay Real Madrid, hadana Atletico ayaa mararka qaar fusado heleyso iyadoo goolhaye Keylor Navas uu kubad ka badbaadiyay cagta Fernando Torres taasoo aheyd mid halis ah.

Daqiiqadii 67aad daafaca Pepe ayaa lagu qasbay inuu dhaawac ku baxo ka dib markii ay isku dhaceen Toni Kroos, waxaana bedelay Nacho.

Keylor Navas ayaa mar kale kubad laba lugaaleey fiican waxa uu ka badbaadiyay Antoine Griezmann inkastoo uu offisde ahaa, laakiin haddii ay dhalan laheyd waxa ay noqon laheyd goolka xilli ciyaareedka.

Shan daqiiqo iyadoo ay ka harsan tahay islamarkaana ay u muuqato inay Real Madrid seddexda dhibcood la hoyan doonta ayaa Antonie Griezmann uu meel halis ah uga soo baxay daqiiqadii 85aad isagoo shabaqa ka soo taabtay goolhaye Keylor Navas taasoo ciyaarta ka dhigtay barbaro 1-1 ah.

Waxaana ay ciyaarta ku soo dhamaatay barbarahaas gool iyo goolka ah iyadoo natiijadaana aysan dani ugu jirin kooxda hogaanka heysa ee Real Madrid kuwaasoo haatan seddex dhibcood ka sareeya kooxda kaalinta labaad ee Barcelona oo caawa la ciyaaraya Malaga inkastoo Real ay weli u harsan tahay kulan ay la dheelayaan Celta Vigo.

Shan daqiiqo iyadoo ay ka harsan tahay islamarkaana ay u muuqato inay Real Madrid seddexda dhibcood la hoyan doonta ayaa Antonie Griezmann uu meel halis ah uga soo baxay daqiiqadii 85aad isagoo shabaqa ka soo taabtay goolhaye Keylor Navas taasoo ciyaarta ka dhigtay barbaro 1-1 ah.

Waxaana ay ciyaarta ku soo dhamaatay barbarahaas gool iyo goolka ah iyadoo natiijadaana aysan dani ugu jirin kooxda hogaanka heysa ee Real Madrid kuwaasoo haatan seddex dhibcood ka sareeya kooxda kaalinta labaad ee Barcelona oo caawa la ciyaaraya Malaga inkastoo Real ay weli u harsan tahay kulan ay la dheelayaan Celta Vigo.