Real Madrid Oo Warbixin Caafimaad Ka Soo Saartay Dhaawicii Jabniinka Ahaa ee Pepe Looga Saaray Kulankii Madrid Derby Iyo Xidiga Ree Portugal Oo Seegaya Kulamada Bayern Munich & Barcelona.

Real Madrid ayaa warbixin caafimaad ka soo saartay dhaawicii difaaca kooxdeeda ee Pepe ku soo gaadhay kulankii Madrid Derby ee Bernabeu ku dhex maray kooxda Atletico Madrid. Isla markii ciyaarta laga saaray ayaa Pepe loo qaaday cisbitaalka jaamacada Sanitas la Moraleja University Hospital waxaana lagu sameeyay baadhitaan xaaladiisa lagu ogaanayay.

Kadib natiijadii baadhitaanka markii ay Real Madrid heshay ayay hadda warbixin caafimaad ka soo saartay xaalada Pepe waxayna cadaysay in laba feedhood uu ka jabay taas oo meesha ka saaraysa in uu ciyaaro kulamada Champions Leaque-ga ee ay Real Madrid la ciyaari doonto kooxda Bayern Munich.

Warbixinta caafimaad ee ay Real Madrid ka soo saartay xaalada Pepe ayaa lagu yidhi: “Kadib baadhitaanadii lagu sameeyay Pepe ee ka dhacay cisbtiaalka jaamacada Sanitas la Moraleja University Hospital, waxaa ciyaartoyga laga daaweeyay jabniin ah feedhihiisa 7 aad iyo 8 aad. Ka soo kabsashadiisa ayaa sii socon doonta waana la qiimayn doonaa”.

Toni Kroos ayaa sabab u ahaa in Pepe uu soo gaadho dhaawacan jabiinka lafaha feedhaha ahi kadib markii uu si aanu arkayn uu jilibkiisa feedhaha ugaga dhugtay xidiga ree Portugal taas oo keentay in daqiiqadii 67 aad ciyaarta laga saaray.

Ma ahaa markii ugu horaysay ee uu Pepe soo gaadhay jabniin feedhaha ahi wuxuuna sidoo kale soo gaadhay isla kualnkii Madrid Derby ee  15 January 2015 markaas oo sidan oo kale uu dhawaac ciyaarta uga baxay.Pepe ayaa markaas garoomada ka maqnaa muddo 35 maalmood ahayd balse iyada oo markan ah laba feedhood jabeen ayay u badan tahay in uu waqti ka badan maqnaan karo taas oo sabab u noqonaysa in uu seego labada kulan ee Chamions Leaque-ga ee Bayern Munich si ala mid ah kulanka El Clasico-da Bernabeu.