R/Wasaaraha Dalka oo Taageeray in Doorashada Beelaha Waqooye lagu qabto Xalane.

War  qoraal oo uu soo saaray Ra’iusl-wasaaraha Xukuumadda Federalka ee uu xilligeedu dhacay ayuu ku taageeray Qoraal ay 13-ka Oday Dhaqameed ee Beelaha Dirta Waqooyi uga mid ah 135-ka Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ay ku codsadeen in Madasha Doorashadda Xildhibaanadooda lagu qabto Xeradda Xalane ee magaalladda Muqdisho.

Odayaasha Dhaqanka waxay sheegeen inay sababo dhinaca Ammaanka ugu doorteen Xalane, kadib, markii ay Ergooyinka la kulmeen Hanjabaad iyo Cabsi-gelin.

Codsiga in Madasha loo wareejiyo Xeradda Xalane, ayaa ku soo beegantay iyadoo ay Guddiga Doorashadda Dadban horey u iclaamiyeen in Doorashadda xubnaha Beelaha Dirta Waqooyi lagu qaban doono Xeradda Gaadiidka Boliska oo ku taalla Degmadda C/casiis ee magaalladda Muqdisho.

Halkan a Akhri

war-saxaafadeed-rw