Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Beljam Oo Beenisay In Ay Daabacdo Baasaboor Been Abuur ah

War qoraal ah oo  kasoo baxay Safaaradda Soomaaliya ee Beljam ayaa lagu sheegay in Safaaraddu ay aad uga xuntahay qodob meel kadhaca ah oo 2dii July 2016, lagu soo daabacay Jariiddada Flemish Newspapers, oo Safaaradda ku eedeysay inay bixiso Baasabooro been abuur ah.

Safaaradda Soomaaliya ee Beljam ayaa warkaasi ku tilmaamtay in uu yahay mid waxbo kama jiraan ah, lana doonayo in lagu dhaawaco sumcadda Safaaradda iyo Diblomaasiyiinta ka shaqeeya.

Sidoo kale Safaaradda ayaa u yeertay Masuuliyiinta Jariiradda Flemish Newspapers, si ay wax uga waydiiso Qormada ay soo daabacday, lana yimaadaan caddeymo sugan oo ku aaddan Kiiska ay ku eedeynayaan Safaaradda.

Ugu Dambeyntii Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Beljam ayaa sheegtay in ay soo dhaweyneyso cid walba oo dooneyso in ay waxbadan ka ogaato jiritaanka warkaasi , soona bandhigaan wixii caddeymo ah ee ay helaan.