Safiirka Dalka Britain u Fadhiya Boqortooyada Sacuudiga oo Diinta Islaamka qaatay

Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Boqortooyada Sacuudiga ayaa qaatay Diinta,waxaana uu ka qeyb galay Sanadkaan Gudashada Xajka.

Wargeyska Caanka ah ee Dail Mail ayaa Maanta Daabacay in Danjiraha Dowladda Ingiriiska u fadhiya Boqortooyada Sacuudiga Simon Collis uu soo galay Diinta Islaamka islamarkaana uu ka mid ahaa Malaayiin Muslimiin ah oo Sanadkaan gutay Waajibaadka Xajka.

Simon Collis ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay Qaadashada Diinta Islaamka,waxaana uu intaa ku daray inuu dareemayo Farxad aad u wanaagsan ka dib qaadashadiisa Diinta Islaamka.

Sidoo kale Maanta ayaa Warbaahinta Adduunka intooda badn ay Qorayaan Warka ku aaday Simon Collis oo qaatay Diinta Islaamka.

38619cd400000578-3790603-simon_collis_pictured_with_syrian_wife_huda_al_mujarkech_after_m-a-13_1473928550458